Ciidamada sida gaarka u tababaran oo howlgal gaar ka fuliyay deegaan ka tirsan Sh/Hoose

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee NISA ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay deegaanka Dugule ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo burburiyay saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga ay habeenimadii 5-ta bisha Janaayo ee sanadkan howlgal qorsheysan ku qaadeen saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Dugule.

NISA ayaa sheegtay in hiowlgalkan lagu qabtay howlwadeen ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inuu dadka ka qaadi jiray Baad.

Lama shaacin magaca iyo qofka lagu soo qabtay, hase ahaatee barta Twitter-ka NISA ayaa muddooyinkii u dambeeyay lagu soo qorayay qoraalo taxane ah oo lagu sheego howlgallada Ciidamada ka fuliyaan Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Hoose oo lagu soo qabto xubnaha ka tirsan Al-Shababa iyo Daacish.

Illaa iyo hadda lama soo bandhigin dadkii ugu dambeeyay ee lagu soo qabtay howlgaladaas, lamana soo taagin Maxkamad.

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka ayaa u dabaal dageysa sanad-guuradii 49aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay, waxaana sanadkii labaad ay u dabaal dageysa, iyadoo Hey’adda aysan laheyn Taliye oo ay leedahay Kusime, maadaama Taliyihii hore uu is casilay, waxaana howsha guud ee Taliska Hey’adda la wareegaya Taliye kuxigeenka Hey’adda Fahad Yaasiin ahna Kusimaha Taliyaha.


  (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});