» DHAGEYSO:DP World oo laga Mamnuucayo Dalka Somalia iyo Wararkii ugu Dambeeyay ee Heshiiskii Berbera?
Sunday, May 27th, 2018

DHAGEYSO:DP World oo laga Mamnuucayo Dalka Somalia iyo Wararkii ugu Dambeeyay ee Heshiiskii Berbera?

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey sharci waxba kama jiraan ka dhigaya heshiis kasta oo lala galay shirkadda ay leedahay dawladda Imaaraadka Carabta ee DP World.

Sharcigan ayaa sidoo kale ka mamnuucaya shrikadda DP World gebi ahaanba dalka Soomaaliya.

Sharcigu waxa uu sheegayaa in dawladda federaalka Soomaaliya ay tahay tan keliya ee Soomaaliya u geli karta heshiis caalami ah.

Sharcigu waxa uu ku eedeeyey DP World iny ku xadgudubtay siyaasadda, madaxbannaanida, midnimada iyo bedqabka waddanka.

Sharcigan ayey tahay inuu ansixiyo Aqalka Saree ee Baarlamaanka kadibna waxay u tegi doonaa madaxweynaha si uu u ansixiyo.

Facebook Comments

Contact Us More Info Warsimanteam@gmail.com Nagala Soco Youtube Channel -

Fadlan Subscribe saar