» DHAGEYSO:Mareykanka Oo Liiska Argagixisada Ku Daray Saraakiil Caan Ah oo Katirsan Kooxda Al-shabaab
Sunday, May 27th, 2018

DHAGEYSO:Mareykanka Oo Liiska Argagixisada Ku Daray Saraakiil Caan Ah oo Katirsan Kooxda Al-shabaab

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dowladda Mareykan-ka ayaa shaacisay shaqsiyaad katirsan Alshabab oo ay ku dartay liiska argagixisada caalamka.

Shaqsiyaadkaan ay shaacisay wasaarada ayaa kala ah Axmed Iimaan Cali iyo Cabdifataax Abuubakar Cabdi,ayadoona ku tilmaamtay in ay kamid yihiin kuwa qatarta ku ah Amniga Mareykanka iyo muwaadiniintiisa.

Sidoo kale Wasaarada ayaa sheegtay  in Axmed Iimaan Cali uu madax kasoo ahaa garabka Kenya ee ururka Al-Shabab tan iyo sannadkii 2012-kii isla markaana uu agaasimay hawllgallada ururka ay ku qaadeen ciidanka Kenya gaar ahaan weerarkii Ceelcade.

Facebook Comments

Contact Us More Info Warsimanteam@gmail.com Nagala Soco Youtube Channel -

Fadlan Subscribe saar