Dowlada Uganda ayaa qorsheyneysa inay canshuur maalinle ah ku soo rogto dadka isticmaala baraha bulshada marka la gaaro bisha July ee soo socota, si sare loogu qaado dakhliga, sida uu sheegay Wasiirka Dhaqaalaha dalkaasi Matia Kasaija oo warbaahinta la hadlay.
Dadka isticmaala WhatsApp, Facebook iyo Twitter ayay canshuurtani saameyn doontaa, waxaana dadka ku nool dalkaasi hadda ay bilaabeyn muran xoogan oo arintaan ku aadan.