» DHAGEYSO:Dagaal Culus oo ka socda Degmooyin kaTirsan Muqdisho iyo Wararkii ugu Dambeeyay Xiisadda Siyaadda?
Saturday, April 21st, 2018

DHAGEYSO:Dagaal Culus oo ka socda Degmooyin kaTirsan Muqdisho iyo Wararkii ugu Dambeeyay Xiisadda Siyaadda?

Dagaal culus ayaa xilligan ka soconaya dhulkii safaaradii hore ee Mareykanka oo tan iyo wixii ka danbeeyay bur burkii dowladda dhexe ay deegaansadeen qoysas Soomaaliyeed.

Rasaas culus oo ay isweydaarsanayaan dhinacyada dagaalamaya ayaa laga maqlayaa inta badan xaafaddaha magaalada Muqdisho, iyadoo marar badan oo hore sidan oo kale dagaallo dhimasho iyo dhawacba sababay horay uga dhaceen deegaanka oo dadku inta badan u garanayaan [Siliga Ameerican-ka]

Xaafadan uu dagaalku ka socdo ayaa u badan dhimayaal Jiingado ka sameysan oo u nugul rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayaan.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo saacadihii hore ee maanta biloowday, waxaana wali la maqlayaa dhawaqa rasaas culus.

Facebook Comments

Contact Us More Info Warsimanteam@gmail.com Nagala Soco Youtube Channel -

Fadlan Subscribe saar