» DHAGEYSO:Warkii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Baarlamaanka iyo Xilliga la Qabanayo Mooshinka Jawaari?
Monday, June 18th, 2018

DHAGEYSO:Warkii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Baarlamaanka iyo Xilliga la Qabanayo Mooshinka Jawaari?

Warka ka imaanaya Muqdisho, ayaa sheegaya in xalay kulamo ay dhex mareen madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo guddiyo ay iska soo magacaabeen xubnaha muranka uu ka dhex jiro ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, C/weli Shiikh Ibraahim Muudey ayaa Farriin uu u diray Xildhibaanada ku caddeeyay in maalinta berri ah Saddex Saac Xildhibaanada ay u fariisan doonaan Mooshinka laga keenay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu haatan socdo kulan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari, kaasoo qeyb ka ah dadaalada iyo waan waanta la doonayo in xal looga gaaro khilaafka.

Facebook Comments

Contact Us More Info Warsimanteam@gmail.com Nagala Soco Youtube Channel -

Fadlan Subscribe saar