Sunday, May 26th, 2019

Baadari lagu xujeeyey in uu soo nooleeyo madaxweynihii hore ee K. Africa Nelson mandella awood uu sheegtay darteed!

Published on March 1, 2019 by   ·   No Comments

Baadari reer Koonfur Afrika ah ayaa aad u dhaliilay, mid kale oo uu ku eedeeyey inuu diinta “Masiixiyadda sharafta ka riday” kaas oo sheegtay inuu qof dhintay soo nooleeyey.

Paseka Motsoeneng oo ku magac dheer Mboro, oo hortaagan kaniisad xidhan oo uu baadari ka yahay Alph Lukau, ayaa ku dhawaaqayey “in la ii jawaabaan halkan u imid”.

Wuxuu sheegay in hadii ay run tahay in baadarigaa Alph leeyahay awood uu qof dhintay ku soo noolayn karo, inuu doonayo in ay isku raacaan xabaashii Nelson Mandela

Muuqaal dhacdadaa laga duubay oo muujinayey qof dhintay oo hadana ka soo toosaya naxashkii uu ku jiray, ayaa aad dadku ugu maadsadeen.

Muuqaalkaas ayaa muujinaya Lukau oo qaylinaya oo nin naxash dhex jiifa ku leh “toos”, ka dibna uu ninkii kor u soo fadhiisanayo iyo damaashaad dadkii kaniisadda ku cibaadaysanayey ay dhigayaan.

Shirkado ka shaqeeya aaska ayaa sheegay in la khiyaameeyey oo baabuurtooda loo adeegsaday si khalad ah.

“Anigu halkan in aan cid la dagaalamo uma iman, waxan halkan u imid in ninka aanu Alla dartii walaalaha u nahay ii jawaabo” ayuu yidhi Motsoenegn, oo ah baadariga kaniisadda Incredible Happenings, oo ka hor dhawaaqayey kaniisadda Lukau baadariga u yahay oo ku taal meel Johannesburg u dhaw.

“Hadii ay run tahay in aad nin dhintay soo noolaysay, kaalay xabaasha Mandela aan isku raacno oo aad sidaas oo kale samayside” ayuu yidhi.

Hase ahaateen, Motsoeneng qudhiisa mar baa dadku ku maadsadeen uu sheegay in uu jannada tagay oo sawirro iskaga soo qaaday telefoonkiisa gacanta.

Madaxweynaha Koonur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa isaguna Khamiistii dooddan socota soo galay oo yidhi waa in dawladdu ka hor tagto “hogaamiyeyaasha diimeed ee waxyaabaha aan la qaadan karin fala” ee dadka khiyaamaynaya.

“Ma doonayno in aanu farogelino diimaha ay dadku haystaan, laakiin waxa lagama maarmaan ah in aynu ka hadalno sida aynu wax uga qaban karno baadariyadaa beenaaleyaasha ah” ayuu yidhi Ramaphosa

Baadari reer Koonfur Afrika ah ayaa aad u dhaliilay mid kale oo uu ku eedeeyey inuu diinta “Masiixiyadda sharafta ka riday” kaas oo sheegtay inuu qof dhintay soo nooleeyey.

Comments (0)


Comments are closed.

Wararka

Mareykanka oo duqeyn ku dilay Dagaalyahanno Ka tirsan Al:Shabaab.

March, 11, 2019
Washington: Dowladda Mareykanka ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Xarrakada Alshabaab ee xiriirka dhaw la leh ururka Al-Qaeda xilli madaxweyne ...

Akhriso: Duqeyn xalay ka dhacday Gobalka Hiiraan

March, 1, 2019
Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa  ay duqeymo  ka fuliyeen  deegaano ka tirsan gobolka hiiraan  oo ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Deegaanada ay duqeynta ...

Akhriso:-Khasaaraha Ka Dhashay Weeraradii xalay Ka Dhacay caasimadda Muqdisho Oo Sii Kordhay.

March, 1, 2019
Rasaas iyo Qaraxyo ayaa wali laga maqlayaa hoteelka Maka al Mukarama oo xalay fiidkii lagu qaaday weerar is qarxin ...

Baadari lagu xujeeyey in uu soo nooleeyo madaxweynihii hore ee K. Africa Nelson mandella awood uu sheegtay darteed!

March, 1, 2019
Baadari reer Koonfur Afrika ah ayaa aad u dhaliilay, mid kale oo uu ku eedeeyey inuu diinta "Masiixiyadda sharafta ...

Waddooyinka magaalada Muqdisho Oo maanta Xiran .

February, 18, 2019
Waxaa saakay oo Isniin ah xiran inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayo ciidamada dowladda federaalka ...

Xiisad Ka Taagan Degmada Baardheere ee G/gedo Iyo Ciidamo La Wareegay Xaruntii Degmada.

February, 14, 2019
Wararka ka imaanaya  magaalada Baardheere ee gobalka Gedo waxay sheegayaan in ciidamo milatari ah ay la wareegeen xarunta uu ...

Madaxweynaha Galmudug Axmed ducaale geelle (Xaaf)oo ku wajahan Gelinsoor.

February, 14, 2019
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo wareysi siiyay warbaahinta  ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan uu ku wajahan ...

Duqeymaha Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya oo la sheegay inay awood dheeraad ah siiyaan Al- shabaab akhriso!

February, 13, 2019
Khubaro dhanka amaanka ah ayaa ka digaya khatarta ka imaan karta duqeymaha joogtada ah ee maraykanku la eegto dagaalyahanada ka ...

Duulimaadyada dalka Belgium oo si ku meel gaar ah loo hakiye.

February, 13, 2019
Dhammaan duulimaadyada ka baxa ama taga dalka Belgium ayaa maalin dhan la hakiyay ka dib markii ay shaqa joojin ...

Deegaanada Gobolka Sh/Dhexe ee Ciidamada AMISOM ka baxayaan oo la shaaciyay.

February, 11, 2019
Ciidamada AMISOM ayaa la filayaa in dhamaadka bishan ka baxaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo Maamulka Hirshabeelle uu ...