Tuesday, March 26th, 2019

Akhriso:-Khasaaraha Ka Dhashay Weeraradii xalay Ka Dhacay caasimadda Muqdisho Oo Sii Kordhay.

Published on March 1, 2019 by   ·   No Comments

Rasaas iyo Qaraxyo ayaa wali laga maqlayaa hoteelka Maka al Mukarama oo xalay fiidkii lagu qaaday weerar is qarxin ah, ka dibna rag hubaysan ay galeen.

Laamaha ammaanka iyo dadkii weerarka soo qaaday ayaa wali rasaas is waydaarsanaya.

Wararka laga helayo isbitaallada ayaa sheegaya in dhimshadu ay ku sii dhaw dahay labaatan, dhaawacuna uu 50 kor u dhaafayo.

Dr Cabdiqaadir oo ka tirsan isbitaalka Madina ayaa BBC-da u sheegay in ay hayaan siddeed ruux oo mayd ah isla markaana ay dabiibayaan in kabadan 30 ruux oo dhaawac ah.

Isbitaallada gaarka loo leeyahay iyo Isbitaalka kale ee Digfeer ee Turkidu ay dayac tireen ayaa la sheegay in la geeyay dhaawacyo kale..

“Waxaan fadhinay hoteelka maka al Mukarama oo an ku ballansanayn nin aan saaxiib nahay oo meesha aan isugu nimid, wax yar markii aan fadhinay ayaan maqalnay dhawr xabadood oo dhacaya, anaga oo is waydiinayna ayaa waxaa dhacay qarax wayn ood moodo sidii dhul gariir oo kale, dhismihii waynaa iyo dhulkii oo dhan ayaa noqday uuro madaw iyo boor is qabsaday, meel la aado iyo meel loo cararo ma jirin oo jahwareer ayaa dhacay” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka mid ahaa dadkii goob joogga ahaa.

“Aniga firir yar ayaa iga soo gaaray gacanta, waxaana ka mid ahaa dadkii ka soo baxay ee illaahay u fududeeyay, oo waxaanba ka soo baxay meeshii uu dhismuhu qaraxa ka saameeyay laftirkeeda,” ayuu yiri saxafigaas goob joogaha ahaa.

Ma jiro war rasmi ah oo wali ka soo baxay dawladda Soomaaliya.

Dhanka kalana warbaahinta dawladda ayaan wali soo hadal qaadin weerarkan.

 Al Shabaab ayaa qaraxyo iyo weerarro ay dad badan ku dhintaan ka gaysta magaalada Muqdisho.

Comments (0)


Comments are closed.

Wararka

Akhriso:-Khasaaraha Ka Dhashay Weeraradii xalay Ka Dhacay caasimadda Muqdisho Oo Sii Kordhay.

March, 1, 2019
Rasaas iyo Qaraxyo ayaa wali laga maqlayaa hoteelka Maka al Mukarama oo xalay fiidkii lagu qaaday weerar is qarxin ...

Baadari lagu xujeeyey in uu soo nooleeyo madaxweynihii hore ee K. Africa Nelson mandella awood uu sheegtay darteed!

March, 1, 2019
Baadari reer Koonfur Afrika ah ayaa aad u dhaliilay, mid kale oo uu ku eedeeyey inuu diinta "Masiixiyadda sharafta ...

Waddooyinka magaalada Muqdisho Oo maanta Xiran .

February, 18, 2019
Waxaa saakay oo Isniin ah xiran inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayo ciidamada dowladda federaalka ...

Xiisad Ka Taagan Degmada Baardheere ee G/gedo Iyo Ciidamo La Wareegay Xaruntii Degmada.

February, 14, 2019
Wararka ka imaanaya  magaalada Baardheere ee gobalka Gedo waxay sheegayaan in ciidamo milatari ah ay la wareegeen xarunta uu ...

Madaxweynaha Galmudug Axmed ducaale geelle (Xaaf)oo ku wajahan Gelinsoor.

February, 14, 2019
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo wareysi siiyay warbaahinta  ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan uu ku wajahan ...

Duqeymaha Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya oo la sheegay inay awood dheeraad ah siiyaan Al- shabaab akhriso!

February, 13, 2019
Khubaro dhanka amaanka ah ayaa ka digaya khatarta ka imaan karta duqeymaha joogtada ah ee maraykanku la eegto dagaalyahanada ka ...

Duulimaadyada dalka Belgium oo si ku meel gaar ah loo hakiye.

February, 13, 2019
Dhammaan duulimaadyada ka baxa ama taga dalka Belgium ayaa maalin dhan la hakiyay ka dib markii ay shaqa joojin ...

Deegaanada Gobolka Sh/Dhexe ee Ciidamada AMISOM ka baxayaan oo la shaaciyay.

February, 11, 2019
Ciidamada AMISOM ayaa la filayaa in dhamaadka bishan ka baxaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo Maamulka Hirshabeelle uu ...

Madaxa Gabdhaha K/Cagta Somalia Oo Sheegtay Inay Khatar Ku Jirto Nolosheeda isla markaana isaga carartay dalka.

February, 11, 2019
Shayma Maxamed oo ah Madaxa Ciyaartoyda Haweenka ee K/Cagta Somalia ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi sy siisay Shabakadda Wararka ...

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xalay soo magacaabay golaha wasiirada ee Puntland.

February, 11, 2019
Madaxweynaha Puntland ,Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhowaaqay golaha xukuumadda cusub ee Puntland oo ka kooban 45 xubnood. Liiska wasiirada uu ...