Tuesday, March 26th, 2019

Puntland oo maxaabiis ka buuxisay Xabsiyada Boosaaso iyo Shaqsiyaad wali ka maqan gacanta ciidamada amaanka.

Published on February 9, 2019 by   ·   No Comments

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay sameeyeen howlgaladii ugu badnaa abid, iyaga oo xabsiga dhigay dad badan oo laga qabtay magaalada.

Ciidamada amaanka ayaa magaalada Boosaaso ka sameeyay baaritaano ay xaafadaha magaalada kaga baadi goobayaan shaqsiyaad xiriir la leh weerarkii lagu dilay maareeyihii dekada Boosaaso ee Shirkada hoostagta Dp World.

Waxaa adag in la helo xog dheeri ah oo ku saabsan sida loosoo abaabulay dilkii Paul Farmoso oo lagu dilay agagaara dekada Boosaaso, maadaama ruuxii dilay uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xabsiyada magaalada Boosaaso la dhigay boqolaal dhalinyaro u badan, kuwaasi oo badankood laga qabtay xaafadda lagu tuhmayo inuu maalmo joogay ruuxii toogashada ka geystay dekada Boosaaso.

Gaadiidka gaashaaman iyo ciidamo kala duwan ayaa lagu arkayaa qaybaha kala duwan ee magaalada Boosaaso, waxaana goobaha ugu badan ee roondada ay ka sameynayaan ciidamada kamid ah xaafadaha u dhow Dekada magaalada.

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa gaaray magaalada Boosaaso, isagoona hawlgalo dhanka amaanka ah ka bilaabay gudaha magaaladaasi xili dagaalo ay ku dhex mareen deegaano ka tirsan gobolka Bari kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay sameeyeen howlgaladii ugu badnaa abid, iyaga oo xabsiga dhigay dad badan oo laga qabtay magaalada.

Ciidamada amaanka ayaa magaalada Boosaaso ka sameeyay baaritaano ay xaafadaha magaalada kaga baadi goobayaan shaqsiyaad xiriir la leh weerarkii lagu dilay maareeyihii dekada Boosaaso ee Shirkada hoostagta Dp World.

Waxaa adag in la helo xog dheeri ah oo ku saabsan sida loosoo abaabulay dilkii Paul Farmoso oo lagu dilay agagaara dekada Boosaaso, maadaama ruuxii dilay uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xabsiyada magaalada Boosaaso la dhigay boqolaal dhalinyaro u badan, kuwaasi oo badankood laga qabtay xaafadda lagu tuhmayo inuu maalmo joogay ruuxii toogashada ka geystay dekada Boosaaso.

Gaadiidka gaashaaman iyo ciidamo kala duwan ayaa lagu arkayaa qaybaha kala duwan ee magaalada Boosaaso, waxaana goobaha ugu badan ee roondada ay ka sameynayaan ciidamada kamid ah xaafadaha u dhow Dekada magaalada.

Taliyaha ciidamada Poliska Puntland Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa gaaray magaalada Boosaaso, isagoona hawlgalo dhanka amaanka ah ka bilaabay gudaha magaaladaasi xili dagaalo ay ku dhex mareen deegaano ka tirsan gobolka Bari kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Comments (0)


Comments are closed.

Wararka

Akhriso:-Khasaaraha Ka Dhashay Weeraradii xalay Ka Dhacay caasimadda Muqdisho Oo Sii Kordhay.

March, 1, 2019
Rasaas iyo Qaraxyo ayaa wali laga maqlayaa hoteelka Maka al Mukarama oo xalay fiidkii lagu qaaday weerar is qarxin ...

Baadari lagu xujeeyey in uu soo nooleeyo madaxweynihii hore ee K. Africa Nelson mandella awood uu sheegtay darteed!

March, 1, 2019
Baadari reer Koonfur Afrika ah ayaa aad u dhaliilay, mid kale oo uu ku eedeeyey inuu diinta "Masiixiyadda sharafta ...

Waddooyinka magaalada Muqdisho Oo maanta Xiran .

February, 18, 2019
Waxaa saakay oo Isniin ah xiran inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayo ciidamada dowladda federaalka ...

Xiisad Ka Taagan Degmada Baardheere ee G/gedo Iyo Ciidamo La Wareegay Xaruntii Degmada.

February, 14, 2019
Wararka ka imaanaya  magaalada Baardheere ee gobalka Gedo waxay sheegayaan in ciidamo milatari ah ay la wareegeen xarunta uu ...

Madaxweynaha Galmudug Axmed ducaale geelle (Xaaf)oo ku wajahan Gelinsoor.

February, 14, 2019
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo wareysi siiyay warbaahinta  ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan uu ku wajahan ...

Duqeymaha Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya oo la sheegay inay awood dheeraad ah siiyaan Al- shabaab akhriso!

February, 13, 2019
Khubaro dhanka amaanka ah ayaa ka digaya khatarta ka imaan karta duqeymaha joogtada ah ee maraykanku la eegto dagaalyahanada ka ...

Duulimaadyada dalka Belgium oo si ku meel gaar ah loo hakiye.

February, 13, 2019
Dhammaan duulimaadyada ka baxa ama taga dalka Belgium ayaa maalin dhan la hakiyay ka dib markii ay shaqa joojin ...

Deegaanada Gobolka Sh/Dhexe ee Ciidamada AMISOM ka baxayaan oo la shaaciyay.

February, 11, 2019
Ciidamada AMISOM ayaa la filayaa in dhamaadka bishan ka baxaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo Maamulka Hirshabeelle uu ...

Madaxa Gabdhaha K/Cagta Somalia Oo Sheegtay Inay Khatar Ku Jirto Nolosheeda isla markaana isaga carartay dalka.

February, 11, 2019
Shayma Maxamed oo ah Madaxa Ciyaartoyda Haweenka ee K/Cagta Somalia ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi sy siisay Shabakadda Wararka ...

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xalay soo magacaabay golaha wasiirada ee Puntland.

February, 11, 2019
Madaxweynaha Puntland ,Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhowaaqay golaha xukuumadda cusub ee Puntland oo ka kooban 45 xubnood. Liiska wasiirada uu ...