Sunday, May 26th, 2019

Wasiirka difaaca & taliyaha Milateriga Kenya oo booqday Ciidamada ka jooga Somalia

Published on December 25, 2018 by   ·   No Comments

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya haweeneyda lagu magacaanbo Mrs. Raychelle Omamo iyo Taliyaha militariga dalkaas Jen. Samson Mwathethe ayaa booqasho lama filaan ah ku yimid saldhigyo ciidanka Kenya ku leeyihiin Soomaaliya.

Safarka Omamo iyo  Jen. Mwathethe ayaa waxaa uu ku soo aaday xilli ay Ciidanka ka jooga Soomaaliya isu diyaarinayeen dabaaldegga ciidda Masiixiga, waxayna la kulmeen saraakiisha ciidanka ka howlgala Soomaaliya.

“Waxaan halkan u imid inaan farxadda sanadka idinla wadaago Raggiina iyo Gabdhihiina geesiyaasha ah. Waxaan doonayaa inaan idiin ogeysiiyo in la idiin mahad celinayo dadka Kenyana idinku faanaan” ayey tiri Wasiirka Gaashaandigga Kenya.

“Waxaan idinkaga mahadcelineynaa inaad u istaagteen in aad qatarta ka hor joogsataan dalkeena hooyo, waan idinkaga mahadcelineeynaa Nafti hurnimadiina” ayey ku dartay hadalkii ay u jeedisay Ciidanka Kenya ee ka howlgala Soomaaliya.

Intii ay booqashadeeda ku jirtay ayaa Wasiirka Gaashaandigga waxay sheegtay in sababta ay u timid ay qayb ka tahay inay ogaato nolosha maalinlaha ah ee ay ku noolyihiin ciidanka Soomaaliya ka jooga.

Comments (0)


Comments are closed.

Wararka

Mareykanka oo duqeyn ku dilay Dagaalyahanno Ka tirsan Al:Shabaab.

March, 11, 2019
Washington: Dowladda Mareykanka ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Xarrakada Alshabaab ee xiriirka dhaw la leh ururka Al-Qaeda xilli madaxweyne ...

Akhriso: Duqeyn xalay ka dhacday Gobalka Hiiraan

March, 1, 2019
Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa  ay duqeymo  ka fuliyeen  deegaano ka tirsan gobolka hiiraan  oo ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Deegaanada ay duqeynta ...

Akhriso:-Khasaaraha Ka Dhashay Weeraradii xalay Ka Dhacay caasimadda Muqdisho Oo Sii Kordhay.

March, 1, 2019
Rasaas iyo Qaraxyo ayaa wali laga maqlayaa hoteelka Maka al Mukarama oo xalay fiidkii lagu qaaday weerar is qarxin ...

Baadari lagu xujeeyey in uu soo nooleeyo madaxweynihii hore ee K. Africa Nelson mandella awood uu sheegtay darteed!

March, 1, 2019
Baadari reer Koonfur Afrika ah ayaa aad u dhaliilay, mid kale oo uu ku eedeeyey inuu diinta "Masiixiyadda sharafta ...

Waddooyinka magaalada Muqdisho Oo maanta Xiran .

February, 18, 2019
Waxaa saakay oo Isniin ah xiran inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayo ciidamada dowladda federaalka ...

Xiisad Ka Taagan Degmada Baardheere ee G/gedo Iyo Ciidamo La Wareegay Xaruntii Degmada.

February, 14, 2019
Wararka ka imaanaya  magaalada Baardheere ee gobalka Gedo waxay sheegayaan in ciidamo milatari ah ay la wareegeen xarunta uu ...

Madaxweynaha Galmudug Axmed ducaale geelle (Xaaf)oo ku wajahan Gelinsoor.

February, 14, 2019
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo wareysi siiyay warbaahinta  ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan uu ku wajahan ...

Duqeymaha Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya oo la sheegay inay awood dheeraad ah siiyaan Al- shabaab akhriso!

February, 13, 2019
Khubaro dhanka amaanka ah ayaa ka digaya khatarta ka imaan karta duqeymaha joogtada ah ee maraykanku la eegto dagaalyahanada ka ...

Duulimaadyada dalka Belgium oo si ku meel gaar ah loo hakiye.

February, 13, 2019
Dhammaan duulimaadyada ka baxa ama taga dalka Belgium ayaa maalin dhan la hakiyay ka dib markii ay shaqa joojin ...

Deegaanada Gobolka Sh/Dhexe ee Ciidamada AMISOM ka baxayaan oo la shaaciyay.

February, 11, 2019
Ciidamada AMISOM ayaa la filayaa in dhamaadka bishan ka baxaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo Maamulka Hirshabeelle uu ...