Tuesday, March 26th, 2019

Heyadda ICG oo warbixin culus ka qortay doorashadii dhowaan ka dhacday Baydhabo

Published on December 25, 2018 by   ·   No Comments

Hay’adda caalamiga ee ah ka-hortagga Xasaradaha ICG ayaa warbixin ka qortay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Baydhabo.

Warbixintan oo cinwaan looga dhigay (K/Galbeed: Madaxweyne la caleemo-saaray iyo Xiisad holacday) ayaa lagu sheegay in 19kii December ay xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed u doorteen C/casiis Max’ed Laftagareen Madaxweyne ka dib codeyn khilaaf badan uu hareeyay oo sabab u noqon karta amni darro hor leh.

Heyadda ICG waxay aaminsan tahay in Laftagareen uusan doorashadan ku guuleysan lahayn haddii uusan garab ka heli lahayn dowlada federaalka oo xabsiga dhigtay musharaxii la tartami lahaa Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharaxiinta loo saadaalinayey doorashadan iney ku guuleystaan.

“Inkastoo Roobow iyo Lafta gareen ay ka soo wadajeedaan Beesha Raxanweyn, haddana Roobow ayaa ka dhashay beel weyn oo saameyn adag leh.”ayaa lagu yiri warbixintan.

Warbixinta ayaa lagu xusay in xariga Mukhtaar Roobow uu sababi karo in hogaamiyaasha Al-shabaab aysan ku soo dhiiranin inay dagaalka joojiyaan kana soo baxaan kooxdaas, maadaama ay xabsi ku dambeynayaan.

“Mukhtaar Roobow oo qiyaastii 50 jir ah waxa uu ka soo jeedaa gobolka Bakool isagoo ka dhashay beesha Leysaan waxa uu ka mid yahay Islaamiyiinta caanka ah  ee  Sharciga Islaamka ku soo bartay dalka Sudan, waana Khabiir ka soo qeyb galay Dagaalki Afganistan ee looga soo horjeeday Ciidankii Midowgii Soofiyeeti, wuxuuna markii dambe waqti kooban maamulayey Hay’ad Samafal Islaami ah oo  Sacuudiga laga lahaa.”ayaa lagu yiri warbixinta oo sidoo kale lagu xusay halgankii uu soo maray  iyo diidmadii uu ka muujiyey amaradii uu siiyay hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Godane ee ahaa markii la qabsanayay magaalada Baydhabo inuu laayo dhamaan siyaasiyiinta la qabto, iyadoo Roobow uu siiyey waddo ay ku baxsadaan siyaasiyiin ay isku beel yihiin oo Baydhabo lagu qabtay.

ICG ayaa sheegtay in Shariif Xasan uu isku casilay markii uu dareemay culeys badan, waxaana la rumeysnaa inuu Roobow ku guuleysanayo doorashada, balse dowlada oo wadataty musharax kale ayaa geed dheer iyo mid gaaban u kortay in roobow laga reebo doorashada.

ICG ayaa fursad qaali ah oo luntay ku sifeysay doorashada Mukhtaar Roobow iyadoo aaminsan inuu gacan ka geysan karay in saraakiisha ku jira Al shabaab uu ka dhaadhiciyo inay hubka dhigaan oo ay ku soo biiraan dowlada.

Taas bedelkeed ayey ICG sheegtay inuu furmay albaab kale oo ah in dadka taageersan Roobow ay dib keymaha u galaan oo ay halgankoodii halkiisa ka sii wadaan.

“Soomaaliya waxaa ka dhex bilaaban doona tartan u dhexeeya Islaamiyiin iyo Cilmaaniyiin marka la gaaro doorashada 2020, kaasoo ay qeyb ka noqonaan dowlada federalka iyo urur diimeedyo ay ka mid yihiin  Alla Shiikh, Dam al-Jaddid  Al-I’tisam iyo kuwo kale” ayaa lagu soo gebagabeeyey warbixinta ICG.

Comments (0)


Comments are closed.

Wararka

Akhriso:-Khasaaraha Ka Dhashay Weeraradii xalay Ka Dhacay caasimadda Muqdisho Oo Sii Kordhay.

March, 1, 2019
Rasaas iyo Qaraxyo ayaa wali laga maqlayaa hoteelka Maka al Mukarama oo xalay fiidkii lagu qaaday weerar is qarxin ...

Baadari lagu xujeeyey in uu soo nooleeyo madaxweynihii hore ee K. Africa Nelson mandella awood uu sheegtay darteed!

March, 1, 2019
Baadari reer Koonfur Afrika ah ayaa aad u dhaliilay, mid kale oo uu ku eedeeyey inuu diinta "Masiixiyadda sharafta ...

Waddooyinka magaalada Muqdisho Oo maanta Xiran .

February, 18, 2019
Waxaa saakay oo Isniin ah xiran inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayo ciidamada dowladda federaalka ...

Xiisad Ka Taagan Degmada Baardheere ee G/gedo Iyo Ciidamo La Wareegay Xaruntii Degmada.

February, 14, 2019
Wararka ka imaanaya  magaalada Baardheere ee gobalka Gedo waxay sheegayaan in ciidamo milatari ah ay la wareegeen xarunta uu ...

Madaxweynaha Galmudug Axmed ducaale geelle (Xaaf)oo ku wajahan Gelinsoor.

February, 14, 2019
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo wareysi siiyay warbaahinta  ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan uu ku wajahan ...

Duqeymaha Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya oo la sheegay inay awood dheeraad ah siiyaan Al- shabaab akhriso!

February, 13, 2019
Khubaro dhanka amaanka ah ayaa ka digaya khatarta ka imaan karta duqeymaha joogtada ah ee maraykanku la eegto dagaalyahanada ka ...

Duulimaadyada dalka Belgium oo si ku meel gaar ah loo hakiye.

February, 13, 2019
Dhammaan duulimaadyada ka baxa ama taga dalka Belgium ayaa maalin dhan la hakiyay ka dib markii ay shaqa joojin ...

Deegaanada Gobolka Sh/Dhexe ee Ciidamada AMISOM ka baxayaan oo la shaaciyay.

February, 11, 2019
Ciidamada AMISOM ayaa la filayaa in dhamaadka bishan ka baxaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo Maamulka Hirshabeelle uu ...

Madaxa Gabdhaha K/Cagta Somalia Oo Sheegtay Inay Khatar Ku Jirto Nolosheeda isla markaana isaga carartay dalka.

February, 11, 2019
Shayma Maxamed oo ah Madaxa Ciyaartoyda Haweenka ee K/Cagta Somalia ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi sy siisay Shabakadda Wararka ...

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xalay soo magacaabay golaha wasiirada ee Puntland.

February, 11, 2019
Madaxweynaha Puntland ,Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhowaaqay golaha xukuumadda cusub ee Puntland oo ka kooban 45 xubnood. Liiska wasiirada uu ...